Monday, July 14, 2025

Xaaska Ra’iisal Wasaraha Somaliya oo lagu qabtay rasaas ay wadatay Garoonka diyaaradaha Nairobi

Xaaska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo lagu magacaabo Caasha Yaasiin Xasan ayaa la sheegay in lagu qabtay rasaas ay wadatay xilli ay ka duuli rabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi.

JKIA-INTERNATIONAL

Sida ay qortay shabakadda nairobinews  waxaa boorsadii ay wadatay xaaska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mishiinka wax baara ee garoonka soo saaray inay  ku jiraan ilaa 16 rasaas ah, iyadoo markaasi u socotay dalka Mareykanka, waxayna  arrintan dhacday Sabtidii  lasoo dhaafay.

Xaaska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa la qabtay, markii la aqoonsadayna waxaa lagu sii daayay damiin lacageed, kadib markii ay sheegtay inay ku socoto shir aad muhiim u ah. Waxayna sii wadatay socdaalkeeda iyadoo kiiskeeda si gaara loo baarayo, waxaana la sheegay in maxkamad la soo taagi doono marka soo laabto sidii ay balan qaaday, sida uu sheegay Ku xigeenka taliyaha ciidamada booliska ee garoonka diyaaradaha  Joseph Nthenge oo Isniintii saxaafadda la hadlay.

Booliska Kenya ayaa arrintan baaritaan ku haya iyadoo ay tahay xaalad aad uga yaabisay safaaradda Soomaalida ee Nairobi iyo dadka Soomaalida ah.

Source: nairobinews

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON