Wednesday, June 25, 2025

Xafiiskii Universal ee Muqdisho oo xayiraadda laga qaaday

Xafiiskii Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho markii ugu horeysay muddo ka badan 10 maalmood  xalay dib loo fasaxay inuu hawada ku soo laabto, kadib markii ay  xireen Ciidamada Nabadsugida.

universal

Waanwaan dhex martay Maamulka Telefishinka, Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda Nabadsugida ayaa dib loogu fasaxay xafiiskii Univeral ee magaalada Muqdisho.  Agaasimaha Telefishinka Universal ee Bariga Afrika C/llaahi Xersi Kulmiye ayaa sheegay inay dadaal u galeen sidii xafiiskii Telefishinka dib u howlgeli lahaa. “Xafiiskii TV-ga dib ayaa loo furay, waxaa isla garanay Wasaaradda Warfaafinta, Nabadsugida sidii aan u wada shaqeyn laheyn, wixii dhacay laga gudbo, inaan ka shaqeyno arrimaha bulshada, wacyi gelinta iyo dhiiragelinta Nabadda”ayuuna yiri.

Ciidamada Nabadsugida ayaa xabsiga dhigeen Agaasimaha Bariga Afrika ee Universal iyo Wariye Cawil Dahir Salaad 2-dii Bishan Oktoobar markii lagu eedeeyay inay dadka ku kiciyeen dowladda meelna uga dhaceen qaranimada, taasoo saldhig u ahayd Doodwadaag  Telefishinka baabhiyay oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ka qeyb galeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON