Tuesday, July 15, 2025

Xaflad loo sameeyay heshiis ay gaareen beelo dagaalamay oo ka dhacday Warsheekh (Daawo Sawirro)

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo afjaray  heshiis buuxa  laga gaaray dagaal khasaare badan dhaliyay oo laba beelood oo walaalo ah ku dhex maray degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa lagu qabtay  isla degmadaasi iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin, madax dhaqameed iyo dadweyne fara badan.

Mas’uuliyiinta xaflada gabagabada heshiisiinta labada beelood waxaa ka mida:

  1. Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Xasan Maxamed Xuseen  (Muungaab)
  2. Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe)
  3. Imaamka beelah Hiraab Imaam Maxamed  Yuusuf
  4. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas
  5. Malaaq Cali Malaaq Maxamed

Labada beelood ayaa ku heshiiyay:

  • In la soo celiyo walaalnimadii iyo derisnimadii ka dhexeysay
  • In Shareecada Islaamka lagu dhaqo labada beel wixii kala gaaray
  • In wixii hore u dhacay la iska cafiyo.

Waxaa heshiiska ka soo shaqeeyay Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Xildhibaan Qaasim Furdug iyagoo abaabulay shir labada beelood lagu heshiisiiyay oo ka dhacay magaalada Jowhar. Waxaana mahadcelin loo jeediyay guddoomiayaha Gobolka Sh/dhexe kaalintii uu ka qaatay soo af-jarista colaadii degmada Warsheekh.

DAAWO SAWIRO

xaflad
Dadweyne isu soo baxay
xaflad warsh (12)
Malaaq Cali Malaaq Maxamed
xaflad warsh (11)
Imaam Maxamed Yusuuf

xaflad warsh (9)

xaflad warsh (8)
Guddoomiyaha Sh/dhexe Cali Guudlaawe
xaflad warsh (6)
Xildhibaan Shiiraar
xaflad warsh (5)
Barbaarta Gaashaaman

[ad name=”HTML”]

xaflad warsh (4)
Gudoomiyeyaasha Sh/dhexe iyo Banaadir oo shiraya
xaflad warsh (3)
Gudoomiyeyaasha Sh/dhexe iyo Banaadir
xaflad warsh (2)
Barbaarta Gaashaaman
xaflad warsh (1)
Gudoomiyeyaasha Sh/dhexe iyo Banaadir oo shiraya

Isha: Banadir.net

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON