Xaflad lagu Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka bilaabatay magaalada Cadaado ee Xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug iyadoo diyaar garow weyn laga dareemayo magaalada oo ciidamo kala duwan ay sugayaan ammaanka.
Waxaa lagu wadaa inay munaasabadda ka qeyb galaan Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda beesha caalamka iyo madax kale oo ka socota maamul goboleedyada dalka. Waxaa hore Cadaado u tegay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.
Wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iyaguna qeyb ka ah madaxa ka qeyb galeysa xafladda caleemo saarka madaxweynaha Galmudug, iyado madaxweynaha dowladda Federaalka uu ka mid yahay dadka laga sugayo inay goor dhow gaaraan Cadaado.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]