Xag-jirnimada (Extrimism) waa aragti mayal-adag oo qof ama koox ay qaataan, taas oo lagu taageerayo hadaf u muuqda oo la saxsan. Isla-markaas aragtidu ma oggola in wax wada-hadal ah ama tanaasul ah laga yeesho hadafka la tiigsanayo. Qofka ama kooxda aragtidaas qaadata waxay fadilaan in ay denbi u galaan intii uu tanaasul ka samayn lahaayeen.
In-kasta oo ay leedahay sikoloojiyad gaar ah (Extrimist Psycology) xaladaha lagu tilmaansado bulshooyinka ay ka curtato aragtida mayal-adeyga, misana waxaa jira laba waddo oo ay raacaan dhamaan dadka qaata aragtidaas. Mid waa xag-jirnimada ka dhalata aragtiyaalka siyaasadeed ee si khaldan loo fahmo.
Midda kale waa Waxaa kaloo ay ka dhalataa aragtiyaalka diineed oo iyana si khaldan loo fahmo. Mid ay tahayba, xag-jirnimada waxaa aragtideeda ay ka dhalataa iyada oo bulshada intooda badan aanan u muuqan arimaha u muuqda qofka ama kooxda mayalka adag. Sidaa darteed waxay ka bilaabataa iyada oo qofku uu isla saxsanaado, bulshadana uu u arko in ay khaldan yihiin.
Waxay gaartaa in qofku uu dilo qofka kasta oo aanan la aragti ahayn. Waxay ku dhamaataa in kooxda mayal-adaygga xambaarsan ay iyagu is-dilaan. In aanu aadami nahay waa hadiyad inooga-timid xagga Eebe. Wuxuu inoo uumay in aanu is-kaashanno ee inooma uumin in aanu is-laynno.
Nacaybku nolosha waa uu curyaamiyaa, mana ahan wax ay dadku qaadi karaan. Jacaylkuna nolosha waa uu xoreeyaa waana fudud yahay oo dadku waa ay qaadi karaan. Is-fahamka bulshada iyo is-haysadkeeda maahan oo keliya hadaf ay bulshadu tiigsanayso, bal xataa waddadii la raaci lahaa ee hadafkaas lagu gaari lahaa ayaa u baahan is-faham iyo is-kaashi. Xeerka nolosha waa in aad tallaabada koowaad qaaddaa oo aad jaranjarta cagta saartaa, xataa haddii aadan gaarayn midda ugu danbeysa.
Wadda kasta oo aad is-leedahay ku gaar hadafkaaga waa in ay nadiif ahaataa, haddiiba uu hadafkaagu nadiif yahay. Xiriirka ruuxiga ah ee dadka dhex-mara ayaa wuxuu ka wanaagsan yahay kana awood badan yahay xiriirka maaddiga ah ee dadka dhex-mara. Sidaa darteed, bulshada waaciga ah uma ay baahna khudbado iyo qoraallo caadifad ku dhisan oo ay raacaan, laakiin waxay u baahan yihiin ficil iyo anshax run ku dhisan oo ay raacaan.
Xag-jirnimadu, jaad walba oo ay tahay, waxay kaa dheereeysaa inaad aadamiga jeclaato oo aad wanaag kula dhaqanto, waxayna kugu riixdaa inaad aadamiga necbaato oo aadan la dhaqmin. Xeerarka ay nolosha inoo yeerineyso waxaa kamid ah cashar macnihiisu yahay, aadamiga dhamaantood in ay ama noolaadaan oo u noolaadaan si bahaahimka ka duwan ama ay baaba´aan oo u baaba´aan si bahaahimka lamid ah. Mayal-adeeggu, fikrad kasta oo uu xambaarsan yahay iyo meel kasta ee uu yaal, wuxuu la dirirayaa cadaaladda.
Waayo qofkeeda si buuxa oo madax-bannaan ayuu u doortey aragti ay naftiisa ku qancay. Laakiin wuxuu dadka u diiddan yahay in si buuxda oo madax-bannaan ay u doortaan aragti ay naftooda ku qanacday. Cimriga waa mid xaddidan, ama ha dheeraado ama ha gaabto waa isku mid.
Waxaa keliya ee uu ku kala duwan yahay waa qofka wixii uu qabtay muddada uu noolaa. Diin dhamaanteed waxay ka hadashaa anshaxa wanaagsan iyo maslaxadda aadamiga, si taas lamid ah ayaa siyaasadaha wanaagsan waxay dadkeeda ku hayaamiyaan anshaxa wanaagsan iyo maslaxadda aadamiga.
Diintii iyo siyaasaddii aanan labadaas ku howlaneyn khalad ayaa ku jira oo sidii aanan nolosha loogu guuleysanayn ayaa aakhirona loogu guuleysanayn. Diinta islaamka oo ah diintii diimaha iyo siyaasaddii siyaasadaha, si heer sare ah ayay u dhowrtey masaalixda aadamiga.
Sidaa darteed aragti aanan ilaalinayn masaalixda dadka diinna maahan siyaasadna maahan. Sababta ugu wayn oo waddada nolosha looga habaabaa waa iyada oo qof layska raacaa ama hadaf layska caashaqaa iyada oo aanan dhab ahaan loo eegin. Ogow oo haddii uu qofku tabar u waayo in uu bulshadiisa ku qanciyo hadafka uu xambaarsan yahay, dabadeed uu geeri ka doorto, qofkaasi maahan qof hadafkiisa ka run sheegaya.
Taariikhda laguma sheegin qof xaq ku taagan oo mayal-adag, laakiin waxaa taariikhda ku badan qof khalad ku taagan oo mayal-adag.
Aragtida xag-jirnimada ah waxay bulshada ku reebtaa raadad laga dhaxlo dib-dhac culus oo sababaheedu ay yihiin, xooggii hor u-marin lahaa oo iyaga is-jebiya, iyada oo dadku ay ku xirraadaan tagto ayan waxba ka qaban karin, in ka-badan intii ay ku xiraan lahaayeen timaaddo u baahan in ay hagaagsadaan. Isla-markaasi waxay u shaqeyanayaan si indha-la´aan ah.
Waxaa halkaas bulshada kaga baa-ba´aya awooddii caqliga ee hal-abuurka yeelan lahayd iyo awooddii xoogga ee degaanka dhisi lahayd.
Qore: Dr. Saadiq Enow
[email protected]