Friday, June 27, 2025

Xajkii Xasan Muungaab oo Magaalada Nairobi ku soo dhammaaday (Xaalad qabsatay Guddoomiyaha G/Banaadir)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho  Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka mid noqday siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sanadkan ku fashilmay inay waajibaadka xajka soo gutaan kadin markii saacadihii ugu dambeeyay ay ka habsaameen.

muungaab

Xasan Muungaab ayaa la sheegay in waqti danbe oo diyaaradihii xajka dhammaadeen uu Muqdisho ka baxay kadibna, Nairobi  iyo Addis abab isu maray oo ka degay magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudiga halkaasoo loogu sheegay inuu dhammaaday xilligii xujeyda saacado ka hor.

Arrintan ayaa ku kaliftay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu si qarsoodi ah intii xajka socday u dego magaalada Nairobi, halkaasina uu ku sugnaado intii uu xilliga ka dhammaanayay, iyadoo kadibna uu Muqdisho si heer hoose ah ugu soo laabtay, wuxuuna xajkiisii ku qaatay Nairobi.

Hore waxaa arrintan oo kale ugu dhacday Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo Dubai isku dayya inuu ka baxo balse ku xayirmay oo markii dambe Muqdisho ku soo laabtay xaj la’aan.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa intooda badan u tartama inay xajka tagaan sanad waliba waxayna rajo ka qabaan in dembiyada  uu musuqa ka mid yahay ay ka dhaqi karaan cibaadooyinka Xajku ka mid yahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON