Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga furay xarun Adeegga taakuleynta Internet-ka iyo isku xirka Jaamacaddaha dalka iyo kuwa caalamka ah, kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xaruntan ayaa loogu talogalay in kor loogu qaado tayada waxbarashada sare, waxayna bixin doontaa internet bilaash ah oo ay ka faa’iideysan doonaan xarumaha jaamacaddaha dalka iyaga oo ku xirmaya kuwa dibadda ah si ay ugu fududaato is dhaafsiga cilmi baarista.
Waxaa xatunta furay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Eng. Cabdi Cashuur Xasan, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Dr.C/raxmaan Daahir Cismaan iyo mas’uuliyiin ka socday jaamacadaha dalka iyo maamulka shabakada waxbarashada iyo cilmi baarista Soomaaliyeed (Somali Research & Education Network) ee loo yaqaan SomaliREN
Adeeggan Wejigiisa koowaad waxaa ka faa’iideysan doono Lix ka mid ah Jaamacaddaha dalka iyada oo uu qorshahu yahay in la gaarsiiyo dhamaan xarumaha jaamacaddaha dalka oo dhan.
Xaruntan taakuleynta iyo isku Xirka internet-ka Jaamacaddaha ayaa waxa lagu hergeliyey Iskaashiga mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee uu kaalmeeyo Baanka Aduunka iyo Shabakadda SomaliREN.