Thursday, June 26, 2025

Xarunta cusub ee loo dhisay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir oo xariga laga jaray

Xarun dhisme cusub ah oo uu yeelaneyso degmada Kaxda oo ah tii ugu danbeysay degmooyinka Muqdisho ayuu maanta xariga ka jaray guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyadoo uu hirgeliyay maamulka gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi iyo dadweyne farabadan ayaa gudoomiye Muungaab halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay, kuwaasoo muujinayay sida ay ugu faraxsanyihiin furitaanka xarunta cusub ee Kaxda. Gudoomiyaha Degmada Kaxda Cabdikaamil Macalin Shukri oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhismaha cusub ee xarunta Degmada  ugu  mahad celiyay Maamulka gobalka banaadir.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir aha Duqa magaalada Muqdisho Xasan Muungab oo ka hadlay xaflada ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo Nabadgelyada isla markana gacan la siiyo laamaha amniga  si loo gaaro horumar,  isagoo sheegay in dadka ku nool degmada looga baahan yahay in ay bixiyaan Canshuurta guryaha.

Muungaab ayaa dhinaca kale tilmaamay in magaalada Muqdisho ay ka socoto mashaa riicya kala duwan oo lagu horumarinaayo bilicda caasimadda dadka Soomaliyedna looga baahan yahay in ay ka qeyb qaatan Horumarinta magaalada. Dhinaca kale Mudane Xasan maxamed Xusen “Mungaab” ayaa kormeer ku tagay waddada Danwadaagta ee Degmada Wadajir halkaasi oo ay ka socotay olale Nadaafaded oo  waddadaasi looga qaadayey qashinka.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON