Tuesday, June 24, 2025

Xasan Abshir oo iska casilay Baarlamaanka Soomaaliya & Wiil uu dhalay oo la dhaariyay

xasan abshir

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax ayaa goor dhoweyd uga dhawaqay  xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho inuu iska casilay xubinnimadii Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo uu sabab uga dhigay, arrimo caafimaad darteed oo aan u saamaxeyn inuu xilkaasi guto.

Bedelkiisa ayaa la sheegay in  xildhibaanimadii uu ku wareejiyay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Abshir Xasan Abshir, kaas oo isla maanta lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kana mid noqday xildhibaanada golaha.

Waxaa muddooyinkan danbe caadi noqotay in la iska dhaxlo xilalka Baarlaamaanka iyadoo inta badan wiilasha xildhibaanada geeriyooda ama is casila lagu qoro boosaska aabayaashood banneeyeen.

Mudane Xasan Abshir Faarax wuxuu ka mid ahaa waayo-joogga Soomaalida ee ku jira Baarlamaanka wuxuuna  xilal hore soo qabtay dowladihii dalka soo maray oo 70-meeyadii uu laba jeer noqday Duqa magaalada Muqdisho, xiligii dowladii C/qasim-na wuxuu ka noqday  Ra’iisul wasaare.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON