Ninkii Soomaaliga ahaa ee weerarka ka geystay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa la shaaciyey magaciisa iyo kooxda uu ka tirsanaa, kaasoo weerar Mindi ah ku dilay qof, laba kalena ku dhaawacay.
Ninkan oo ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan Khaliif Shire Cali oo ah 30 sano jir hore loogu soo eedeeyay denbiyo kala duwan, wallaalkiisna sanadkii hore loo xiray tuhun ku saabsan argagixisnimo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaalada Malbourne.
Xasan Khaliif ayaa ku dhashay Somalia isagoo qoyskiisa uu tegay dalkaasi sanadkii 1980-kii, waxaana la dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood; isagoo qoyskiisa intooda badan ay saameyn ku yeesheen kooxda Daacish, taasoo keenay in wallaalkiisa loo xiro weerar uu qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Melbourne, kaasoo weli ah maxkamad suge.

