Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay iny bilowdeen howlgallo lagu weerarayo kooxda Alshabaab, wuxuuna sheegay in dagaal socdo xilliga uu hadlayo ayna hogaaminayaan siyaasiyiin waaweyn.
Wuxuu carabaabay in howlgallada ay ka socdaan Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka ayna la duurka ku jiraan madax Soomaaliyeed oo duurka ugu jira difaaca dalka.
Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay soo sheegaan Alshabaab meel kastoo ay ku karaan iyo qofkii ay ka shakiyaan, wuxuuna ugu baaqay inaan la damiinan, lana soo raadin qof Shabaab ah.
Hadalkan ayaa ka mid ahaa khudbad uu madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay xaflad gobolka Banaadir soo agaasimay oo looga hadlayay dhismaha dalka.
DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA
Goobjooge.com