Thursday, June 26, 2025

Xasan Sheekh oo amray baaritaan lagu sameeyo weerarkii lagu laayay ciidamada dowladda ee Kismaayo

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war uu soo saaray caawa ku cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday xarun ay ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ku lahaayeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne_Xasan_Sheekh

Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkaasi uu qeyb ka yahay falalka ay argagixisada ku doonayaan inay ku wiiqaan horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso. “Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen geesiyaashii maanta lagu laayey falka argagixiso ee ka dhacay Kismaayo. Soomaaliya waxay leedahay hadaf ah inay nabad waarta gaarto, suuragalna ma ahan in kooxo yar ay shacabka ka weeciyaan hadafkaasi saliimka ah”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la sameyn doono baaritaan ku saabsan sida weerarkan u dhacay. Wuxuuna intaas ku daray in dowladda ay xoogga saari doonto adkeynta xeryaha lagu tababarayo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

[spacer color=”060CC2″ icon=”fa-eye” style=”2″]

Waxaa hore u soo baxay warar sheegaya in weerarka laga abaabulay gudaha magaalada Kismaayo iyadoo qofka weerarka geystay uu ka mid ahaa ciidamada xerada ku jiray, arrintan ayaa dhalisay shaki weyn oo laga qaaday cidda ka dambeysa oo saraakiisha dowladda qaarkeed ay ku eedeeyeen ciidamada Axmed Madoobe.

Waxaa la sugayaa baaritaanka uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh sida loo fuliyo iyo waxa ka soo bixi doona iyadoo qofkii ugu muhiimsanaa ee loo hayay qaraxa ay degdeg u toogteen ciidamada Axmed Madoobe.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON