Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Addis Ababa uga qeyb galay furitaanka Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika ayaa si toos ah u eedeeyay dowladda Itoobiya iyo Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abi Uhmed.
Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa inaan la aqbali karin talaabooyinka ay qaaday dowladda Itoobiya, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxiixatay Maamuka Somaliland.
Wuxuu ku eedeeyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya inuu ku xadgudbay madax bannaanida dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya, ayna bedeleyso xuduudka Soomaaliya, halismna ku tahay amniga iyo nabadda Afrika.
“Midowga Afrika waxaa waajib ka saaran yahay inay garab istaagto Soomaaliya, ayna caddeyso inuu sharci darro yahay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay maamul ka mida Soomaaliya ee ay ku dooneyso inay ku qaadato qey ka mida dhulka Soomaaliya…” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.