Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay ee intii xilka loo doortay ka bilaabay dalka Imaaraadka Carabta.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yimid, iyadoo aanu weli Ra’iisal wasaaraha uu magacaabay codka kalsoonida ka helin Baarlamaanka, waxaana Imaaraadka Carabta uu noqday dalka ugu saameynta badan xilligan Soomaaliya.
Safarka Madaxweynaha ayaa qaadan doona labo maalmood, iyadoo looga hadli doono xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan, sida lagu sheegya war kasoo baxay Madaxtooyada.
Dalal badan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay inuu booqasho ku tago, laakiin wuxuu dalka koowaad ka dhigtay Imaaraadka Carabta oo wararku sheegayaan inay ka taageertay dib u doorashadiisa.
Dalalka casuumaadda u fidiyey Xasan Sheekh waxaa ka mida Sacudida, Kenya, Jabuuti iyo Turkiga, waxaana gaar ahaan Sacuudiga oo ahaa dalka madaxda Soomaalida ay ugu horeyn booqan jireen marka la doorto safarkiisa dib loogu dhigay kadib Bisha soo socota, marka xajku dhammaado sanadkan.
Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayed ayaa casuumaad u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya, taasoo muujineysa isbedel weyn oo ku dhacay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya oo xiligii madaxweyne Farmaajo uu aad xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.