Monday, July 14, 2025

Xasan Sheekh oo saxiixay Miisaaniyadda 2023 iyo Shaqaalihii ugu horeeyay oo la qaadanayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo dhowaan ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Miisaaniyaddan dowladda ee sanadka 2023 ayaa gaareysa $973,985,805, waxaana markii ugu horeysay la kordhiyey kharashka loo qoondeeyay adeegyada dowladda ee caafimaadka, waxbarashada iyo hay’adaha amniga ee dalka.

Shaqaalihii ugu horeeyay ayey qaadaneysaa dowladda Federaalka, kuwaas oo ah 3000 Macallin, halka la kordhiyay mushaarka ciidamada oo 5000 Askari ay mar qura kusoobiireen ciidamada ka imaanaya dalka Eritrea.

Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON