Sunday, July 6, 2025

Xasan Sheekh oo Xarunta Baarlamaanka dhexdiisa kulan gaara kula leh Xildhibaano Beeleed

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka dhexdiisa ka bilaabay galaangal siyaasadeed oo uu doonay inuu ku ogoleysiiyo xildhibaanada Baarlamaanka ogolaanshaha heshiiska doorashada 2016.

Xasan Sheekh ayaa kadib khudbad uu ka jeediyay Baarlamaanka iyo codsi uu hordhigay si loo ansixiyo heshiiska doorashada 2016, markii lagu diiday wuxuu qaaday tallaabo aan hore loo arag isagoo fariistay xafiis ka mida dhismaha Baarlamaanka, isla markaana kulan ugu yeeray xildhibaanada beesha Digil & Mirifle.

Ujeedka shirka ayaa la sheegay inuu yahay qancinta xildhibaanada beeshan oo si weyn uga horjeeda heshiiska doorashada, iyagoo ku dhegan qodobka ah in goboladda dalka loo qeybiyo xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Kulankaasi ayaa keenay in shirkii Baarlamaanka uu hakado, kadib markii ay ka baxeen xildhibaanada beesha Digil & Mirifle.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON