Qaar kamida xildhibaanada maanta ka qeyb galaya shirka wadahadalka Mooshinka laga keenay madaxweynaha ayaa dalbaday inuu wadahadalka ku soo biiro Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu ah mas’uulka uu quseeyo mooshinka iyo wahadalka.
Shirka Maanta furmay oo uu garwadeen ka yahay Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid oo wakiil ka ah madaxweynaha, wuxuuna hore u sheegay in madaxweynuhu ku soo biiri doono markii loo baahdo.
Xildhibaanada ayaa ku doodaya in Ra’iisal wasaaraha aanu wakiil ka noqon karin madaxweynaha arrinta laga hadlayana ay tahay mid u quseysa madaxweynaha oo aanu ka jawaabi karin Ra’iisal wasaaraha.
Inta badan xildhibaanada hor boodayay mooshinka ayaa qaadacay wadahadalka, waxaana muuqda in xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweynaha ay ku kala qeybsameen arrintan oo horeba dhibaato uga dhex dhalisay intii ay shirarka la lahaayeen Guddooonka Baarlamaanka.
Goobjooge.com