Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa shaaciyey tirada maxaabiista Soomaalida ee ku jira xabsiyada dalalka caalamka.
Isagoo ka hadlayay Barnaamijka kulanka Todobaadka ee TV-ga Qaranka ayuu sheegay in ku dhawaad 1024-ruux oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku xiran yihiin xabsiyada 22-dal oo ka ka mid ah caalamka,kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan la kulmaya.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ka hadlayay Muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada caalamka ee lagu eedeeyay iney xiriir la yihiin falal burcad badeednimo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka war heyso xaalada muwaadiniintaasi,islamarkaana ay socdaan hanaan qaarkood lagula soo wareegayo.
Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in si caadi ah hoos uga sii dhacayaan tirada maxaabiista ee ku xiran xabsiyada caalamka sida Siishalis,India,Kenya,Tanzaaniya,Cuman iyo waliba Wadamada Khaliijka.
Dr. Axmed Cali Daahir wuxuu caddeeyay iney socdaan dadaalo hadda la doonayo in lagula soo wareego 12-Qof oo muwaadiniin Soomaaliya oo ku xiran dalka Siishalis,kuwaasi oo lagu eedeynayo falal burcad badeednimo.
Sidoo kale,dalka India ayuu sheegay iney u socdaan wada hadalo,islamarkaana ay kala saxiixdeen heshiisyo ay ka mid tahay isweydaarsi maxaabiis,islamarkaana hadda Dowladda ay qorsheyneyso sidii maxaabiis dhowr ah India ugala soo wareegi lahayd,sida uu Xeer ilaaliyaha hadalka u dhigay.
Dalka Cumaan waxaana ku xiran ku dhowaad 34-ruux oo lagu eedeynayo falal burcad badeednimo,wuxuuna Dr. Axmed Cali Daahir farta ku goday iney ku daba jiraan sidii loo soo sii deyn lahaa Maxaabiistaasi.
Ugu danbeyntii,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa xaqiijiyay iney jiraan Dalal badan oo ay kula jiraan wada hadalo lagu soo sii deynayo maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay haddii ay jirto danbiga lagu eedeynayo loogu qaado wadankooda Hooyo.