Friday, June 27, 2025

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo War kasoo saaray kufsi caruur oo ka dhacay Afgooye & Dad loo xiray.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleyman Maxamed Maxamud ayaa shaaciyey in dad loo soo qabtay kiisas kufsi fool xun ah oo ka kala dhacay degmooyinka Afgooye, Gobolka Sh/hoose iyo Balanballe, gobolka Galgaduud.

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayuu ku sheegay inay ka howlgaleen labada kiis ee kufsiga ah oo lagula kacay caruur aad u yaryar, isla markaana ay hadda loo xiray dad badan oo lagu tuhunsan yahay, iyadoo ay socoto baaristii lagu horgeyn lahaa Maxkamadda.

Wuxuu xeer ilaaliyaha uga digay odayaasha doonaya inay xal waanwaan ah ku dhammeeyaan kiiskan, wuxuuna ku amray in lasoo xiro odayaashaasi, isagoo qoysaska caruurtaasi ugu baaqay inaysan aqbalin waanwaan.

Wuxuu ka dalbaday hay’adaha u dooday xuquuqda aadahaha iyo kuwa samafalka inay ka fogaadaan faafinta iyo duubista kiiskan oo dhibaato ku keenaya baarista socota. Wuxuuna shacabka ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii loo wada qaban lahaa dadka kiiskan ku lugta leh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON