Xero Barakacayaal ah oo ku dhex taalla Xerada AMISOM ee Xalane & Waxa ka dhex socda [Galka Baarista]

Waxaan weli la xirin xero barakacayaal ah oo ku dhex taalla gudaha Xeydaabka AMISOM ee Aagga Xalane, waxaana sanad kadib markii lagu heshiiyey in la xiro ayaa xeradaasi weli waxba laga qaban.

Bishii Ogosto ee sannadkan ayaa warqad ay qortay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay xafiiskeeda UNSOS ee taakulaysa ciidamada AMISOM waxay ku sheegtay eedo aan la xaqiijin oo ku saabsan xadgudubyo iyo ka faa’iidaysi dhinaca galmada ah oo la sheegay inay ku lug leeyihiin ciidamada AMISOM iyo ajaanib kale ay ka dhaceen degaan lagu magacaabo OPD oo ay ku nool yihiin dad rayid ah oo Soomaali ah. Degaankaas ayaa ku yaal xerada Xalane.

Eedahaas AMISOM way beenisay dhammaantood, dhinacyada soo jeediyeyna masoo bandhigin wax caddaymo ah. Hase yeeshee Galka Baarista waxa uu ogaaday in horey loogu heshiiyey in gebi ahaanba xeradaasi la xiro lagana gooyo AMISOM sannad ka hor.

Haddaba sannad kadib markii heshiiskaasi la gaaray waxba kama hirgelin dhammaan qodobada lagu heshiiyey. Xerada OPD lama xirin, weliba waxaa gala ciidamada AMISOM, sidoo kale way ka go’an tahay degmada Wadajir oo ay degaan ahaan ka tirsan tahay, waxayna gudaha ugu jirtaa xayndaabka AMISOM.

DHAGEYSO BARNAAMIJKA GALKA BAARISTA EE VOA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

112,043FansLike
622FollowersFollow
2,592FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

112,043FansLike
622FollowersFollow
20FollowersFollow
2,592FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!