Tuesday, June 24, 2025

Xiisad ka dhex taagan Dadweynaha Beledxaawo & Ciidamada Kenya [Maamulka Jubba oo Wafdi u diray]

Wararka laga helayo magaalada Beledwaaxo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay ciidamada Kenya oo ku soo durkay xuduudka labada dal.

Dadweynaha magaalada oo careysan ayaa ka hortegay ciidamada Kenya iyagoo bannaanbaxyo ka dhigay magaalada xuduudka ku taalla, waxaana iska hor imaadyada labada dhinac ay keeneen in maamulka Jubba uu wafdi u diro halkaasi.

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa lagu wadaa inuu gaaro Beledxaawo, si uu xaaladda u qaboojiyo, waxaana la sheegay inuu kulamo la yeelan doono Maamulka Degmada Baledxaawo  iyo saraakiisha ciidmada Kenya

Ciidamada Kenya oo wata gawaarida gaashaaman ayaa ilaalo ka haya dhisme Kenya ka dhex bilowday gudaha magaalada Beledxaawo oo qeyb ka mida magaaladaasi ay la wareegeyso Kenya, taasoo ka careysiisay dadka degan magaalada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON