Xiisad ka dhalatay faragelinta ciidamada Itoobiya ku hayaan gobolka Gedo ayaa ka taagan degmada Garbahaarey kadib markii ay halkaasi Itoobiyaanku geeyeen mas’uuliyiin la sheegay inay u soo magacaabeen degmada.
Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in bandow lagu soo rogay xalay degmada Garbahaareey kadib markii dadka degmadaasi ka hor yimaadeen qoshaha Itoobiyaanka, iyadoo bannaanbaxyo ka dhaceen degmadaasi.
Dadka banaanbaxa dhigay ayaa ka soo horjeeday ciidamada Itoobiya iyo maamulka Jubba iyadoo diiday inay la shaqeeyaan maamulka Itoobiyaanku ka dul keeneen. Nabadoonada kala ah C/risaaq Maxamuud Faarax iyo odayaasha degaanka ayaa sheegay inay dhammaaatay kalsoonidii ay u hayeen maamulka Jubba.
Dadweynaha Garbahaarey oo mar kale saaka banaanbax ka abaabulay magaalada ayaa la sheegay inay kala eryeen ciidamada Itoobiyaanka, waxayna magaalada ku jirtaa xaalad kacsan iyadoo gadood dadweyne oo baahsan laga dareemayo.
Mas’uuliyiintii gobolka Gedo oo laga soo masaafuriyay Doolow ayaa la keenay magaalada Muqdisho iyadoo is mari waaga ka taagan Gobolka Gedo uu ka sii darayo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]