Xildhibaan Sheekh Aden Madoobe ayaa u digay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Ceel-Barde inay halkaasi ka abuuraan qas iyo kacdoon aan macno lahayn, wuxuuna sheegay in laga wada hadlo wixii khilaaf ah ee ka jira oo dadka degaanka xalistaan, balse aanay la qaadan ololaha siyaasiyiin uu sheegay inay ka yimaadeen degaano kale oo dano gaara u tegay degaankaas.
“Ceelbarde waxaa degan afar Beelood, hal beelna ma dhihi karto anaag leh, ma jiro dhul la rari karo, Ceelbarde waxay ka mid tahay Goboleedka Koofur Galbeed” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Madoobe oo cadeeyay in dhaqdhaqaaqa ka socda Ceelbare uu yahay mid dano gaara laga leeyahay oo laga soo abaabulo meelo fogfog.
Siyaasiyiin iyo xildhibaano gacansaar la leh madaxweynah Jubba Axmed Madoobe ayaa muddooyinka danbe Ceelbarde ka waday dadaal ay culeys ku saarayaan maamulka Koonfur Galbeed, waxayna dhowr jeer isaga daba noqdeen degaankaasi iyagoo sheegaya inay degaanda Ceelbare, Yeed iyo Aato ka go’een maamulka Koofur Galbeed.
Xildhibaan Maxamed iidle (Geedi Xerow), Xildhibaan Axmed Aab iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseeb Cabdi Xalane ayaa Ceelbarde hadda u jooga inay halkaas kadhisaan saddexda degmo leeyihiin.
Goobjooge.com