Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo hore u ahaa hogaamiye kooxeed dagaal ooge ah ayaa loo gacan geliyay Maxkamadda Cadaallada Adduunka magaalada Hague ee dalka Holland.
Ninkan oo lagu magacaabo Alfred Yekatom oo ku magac dheeraa (Rambo) ayaa loo heystaa dembiyo dagaal oo lid ku ah bani’ aadamnimada, waxaana raadineysay Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ah (ICC) si loogu soo oogo dembiyo uu ka galay muslimiinta dalka Afrikada Dhexe.
Alfred Yekatom wuxuu hoggaamin jiray maleeshiyada Masiixiyiinta dalkiisa oo leysay dad badan oo muslimiin ah, isagoo hoggaamiye dagaalladii ka dhacay koonfurta dalka Afrikada Dhexe
Waa mas’uulkii ugu horeeyay ee ka tirsan dalka Afrikada Dhexe oo loo gudbiyo Maxkamadda Cadaaladda ICC, isagoo ku eedeysay dembiyo dagaal woo isugu jira xasuuq, jirdil iyo weerarro lagu qaaday dad rayid ah oo loo adeegsaday caruur la hubeeyey, si loo barakiciyo dad diintooda darteed.