Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Qiyaano Qaran ku tilmaamay Wax ka bedelka xeerka Bankiga Dhexe ee xukuumaddau wadato.
Isagoo ka hadleyay fadhiga Baarlamaanka ee hadda socda ayuu sheegay inaysan sax ahayn in guddoonka Baarlamaanka uu qabto wax bedelka Xeerkan Bankiga Dhexe oo halis ku ah Qaranimada dalka.
Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in wax ka bedelka Xeerka Bankiga Dhexe uu yahay “Qiyaano Qaran”, wuxuuna yiri: “Wwaxaan idiin sheegayaa in Xeerkaan uu yahay mid aan sax ahayn mana ahayn in Guddoonka Golaha Shacabka uu qabto oo uu horkeeno Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.
Wuuxuu ugu baaqay Saxafiyiinta kulanka Baarlamaanka ku sugan inay diiwaan geliyaan Xildhibaannadda hor boodaya Xeerkaan si ay taariikhda u xusto, loona ogaado.