Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa aflagaado iyo hadal ay ka buuxdo caro sagootiyay ergeyga waqtigiisii dhammaaday ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, kadib markii maanta la sheegay in xaflad sagootin ah ay u qabanayaan caawa ergeyga madaxda sare ee dowladda Federaaka .
Xildhibaan Xoosh ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu cabiray fekerkiisa ku aadan Nicholas Kay isagoo sheegay inuu ahaa shaqsi cunsuri ah oo mabda’ gumeysi ku socday isla markaana uu jaahil ka ahaa arrimaha xasaasiga. Wuxuuna intaas ku daray inuu Soomaaliya uga tegay waqti ay ka xun tahay markii uu xilka qabtay ee uu jagada kala wareegay Augustine Mahiga, wuxuuna sidoo kale wax ka sheegay madaxweyne Xasan Sheekh
HOOS K AKHRI EREYADA XOOSH
Today Somali officials are holding a farewell party in Mogadishu for Nicholas Kay, one of the most incompetent SRSG Somalia ever hosted: Arrogant, racist, colonial and ignorant of critical local issues. He leaves Somalia worse than where it was left in 2012 by Ambassador Augustine Mahiga on every index measurable. A few weeks ago, he was also publicly praised by another miserably failed leader HSM. I guess it takes one failed person to recognize another. I say good riddance to Nick Kay and I am appalled that some of my friends have shown the bad wisdom of attending his farewell party.
Xanaaqa uu Xildhibaan Xoosh kula dul dhacay ergeyga Kay ayaan la ogeyn inuu yahay mid shaqsi ah iyo inuu ku saabsan yahay arrimo siyaasadeed oo u socon waayay xildhibaanka.
Goobjooge.com