Xildhibaan hore C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa shaaciyay in walaalkii uu ka mid ahaa wiilasha kufsaday gabar kiiskeeda si weyn loogu faafiyay baraha bulshada oo la sheegay in lagu kufsaday degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.
Xildhibaan Xoosh ayaa bartiisa FB soo dhigay qoraal dheer oo uu uga hadlay wiilka la dhashay ee falkan ku eedeysan, wuxuuna sheegay inuu yahay 15 sano jir aabihii dhalay, isla markaana uu doonayo in sharciga la hor gooyo si dembigii uu galay looga jaro.
C/raxmaan Xoosh Jibriil
Qoraalka xildhibaan Xoosh hoos ka akhriso
Uj: Kufsiga ka Dhacay Galdogob
Waxaan asxaabteyda fb u sheegayaa in dadka lagusoo eedeeyay arrintaan foosha xun uu ku jiro wiil aan walaalo nahay oo 15 jir ah. Inta aan ka war qabo waa inta soo socta:
1. Markii u dagaalkii sokeeye dhacay, aabbahay Allaha u Naxariisto wuxuu ku haray waddanka, guursadayna, ilma badan aan walaalo nahay ay ka dhasheen guurkaas.
2. Wiilka arrintaan lagu soo eedeeyay waxaa ka yar hal gabar, kana weyn 3 will iyo gabar eey isku bah yihiin.
3. Kulli waa walaalaheey, aabbahii na wada koriyayna wuxuu geeriyooday October 30, 2016. Waa markii labaad aan tago Galdogob waligeey aniga iyo inta waaweeyn walaalaheey.
4.Mar laga jogo 3 usbuuc camal ayaa wiilal aan qaraabo nahay isoo waceen iina sheegeen in eey arrintaan foosha xun dhacday. Waxaan wiilasha kula taliyay in arrintaan sharciga la marsiiyo.
4. Waxeey wiilasha ii sheegeen in ey arrintu dhex taallo wadaadada magaalada Galdogob, laakin eey ka fiican tahay in la marsiiyo dacwo madina ah lana kaashado, Duqa magaalada Mudane Ayaxle iyo dowlad goboleedka Puntland. Waan ku raacay arrintaas waxaana uga digay inaan arrintaan xaal Somali lagu dhameeynin iyo hoos-hoos.
5. Dhowr maalmood kadib waxaan la hadlay Guddoomiyaha degmada Mudane Ayaxle oo aan ku iri arrinta sharciga ha loo wareejiyo, lagana saaro xeer Somali. Mudane Ayaxle wuu igu raacay.
6. Waxaa dhacday in ciidan Police ah oo Puntland ah eey yimaadeen magaalada maalma kadib uuna dalbay Mudane Ayaxle, laakin buuq lagu furay askartii, buuqaas oo ka yimid wadaadada oo ku andacoonaya in shareeco la marsiiyo. Askartii saas beey ku noqdeed.
7. Dadkii falkaan xun lagu eedeynayay waa xiran yihiin, aniga iyo reerkeygana waxaan taageersannahay in sharciga la marsiiyo ciddii lagu helo fal dambiyeed.
8.Marna aniga iyo walaalaheey ( oo gabdho u badan) ma difaaceeyno falalka noocaan oo kale in uu waddankeenna iyo meel kaleba ka dhaco.
9.Laakin waxaan rabnaa in dhowr natiijo kaso baxdo arintaan:
(a) In dambi baarsi fiican la sameeyo si loo xaqiijiyo siday wax u dhaceen.
(b). In ciqaab istaahisha falkaan xun la marsiiyo dadkii dambi u caddaado.
(c). In dhibbanaha loo helo daawo caafimaad iyo counseling.
(d). In arrintaan oo kale la hubiyo in eey mar dambe dhicin.
This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. AcceptRead More
Privacy & Cookies Policy
Privacy Overview
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.