Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka uu ku yimid Mooshinka laga keenay madaxweynaha iyo sida loo ururiyay saxiixyada 93-ka xildhibaan ee la sheegay inay saxiixeen, wuxuuna caddeeyay in isaga uu diiday inuu saxiixo markii uu arkay in Mooshinku uu yahay mid siyaasadeysan oo meelo kala laga soo abaabulay.
Xildhibaanka wuxuu kashifay in Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha uu ujeedkiisu yahay in awooda maamulka ay qeyb ku lahaadaan, taasina ay tahay in madaxweynaha la weydiisto inay talada dalka wax laga siiyo. Wuxuu sheegay inay rabaan in Mooshin ay gorgortan ku galaan, markii Baarlamaanku laalay.
Wareysi uu siiyay Goobjoog FM ayuu xildhibaan Cali Nuur Boodaaye ku sheegay in la fahami karo ujeedada xildhibaanada mooshinka loo keenay ay ahayd in xilal ay ku helaan iyo kuraas dowladeed, waqtiga harsanna ay talada wax ku yeeshaan.
WAREYSI XIISO LEH DHAGEYSO XILDHIGAAN CALI NUUR BOODAAYE
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]