Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa si weyn u difaacay xuquuqda Gobolka Banaadir isagoo sheegay in Baarlamaanka iyo dowladda ay dulsaaran yihiin Gobolka.
Xildhibaan oo hore isugu soo sharxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, soona noqday Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in go’aanada Baarlamaanka aanay ka fulin Afgooye iyo Balcad.
Wuxuu dalbaday Xildhibaan Xidig in la caddeeyo haddii ay Baarlamaan u yihiin Gobolka Banaadir. “Gobolka Banaadir waa inaan bannaanka la keenaa xuquuqdiisa, haddii uu gobol noqonayo iyo haddii uu maamul goboleed noqanayo” ayuu yiri Xildhibaan C/ashiid oo guddoonka Baarlamaanka ugu baaqay inay soo caddeyeen xuquuqda Gobolka Banaadir.
DHAGEYSO XILDHIBAAN XIDDIG
GOOBJOOGE.COM