Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaan Daahir Jeesow: “C/rashiid Xiddig qabiil ayuu ku tegay Kismaayo, mana jirto cid u dirsatay”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa jawaab ka bixiyay hadal kasoo yeeray Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig oo Kismaayo ka sheegay inuu wakiil ka yahay xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka kana qeyb galayo doorashada madaxweynaha Jubba.

jesow-madobe

Xildhibaan Jeesow wuxuu sheegay in C/rashiid Xidig uu si qabiil ah ku tegay Kismaayo ee aanu cidna metelin,  wuxuuna sheegay inay jiraan shaqsiyaad noocaas oo kale ah oo lala xisaabtami doono, wuxuuna arrintaas xukuumadda Cumar C/rashiid.

Mar la weydiiyay hadii ay dhacdo doorashada madaxweynaha Jubba dibna loo doorto Axmed Madoobe ayuu Xildhibaan Daahir Jeesow sheegay inaysan wax sharciyad ah lahayn oo ay noqon doonto kooxdii Raaskaambooni oo meel ka mida dalka heysata iyo hogaamiye kooxeed.

Doorashada Jubba waxaa ka qeyb galaya afar musharax oo uu ugu horeeyo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo si weyn loo filayo inuu ku guuleysto.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON