Monday, June 23, 2025

Xildhibaan Dalxa: “Madaxweynaha ma Khasnaji baa, aaway wasiirkii & Ra’iisal wasaarihii..?” (Dhageyso Wareysi kulul)

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa si kulul uga hadlay Mooshinka la laalay ee ay wadeen qaar kamida xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna taageeray in mooshinkaasi la soo afjaro isagoo si cad uga hadlay khaladaadka ku jiray mooshinkaasi iyo xaaladda dalku jiro.

Prof_Dalxa
XILDHIBAAN MAXAMED CUMAR DALXA

Xildhibaan Dalxa oo ka mida aqoonyahanada ku jira xildhibaanada Federaalka waxa uu sheegay inay khalad ah in wax waliba Madaxweynaha lagu eedeeyo, wuxuna is weydiiyay sababta loola xisaabtami waayay wasiiradii lahaa waxyaabaha laga hadlayo : “Haddii ay lacag maqan tahay aaway wasiirkii Maaliyadda, waxaa loo yeeri karaa Ra’iisal wasaaraha, ma aha in wax kasta madaxweynaha lala aado, madaxweynaha ma Khasnaji baa…?” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo wareysi kulul ay la yeelatay Goobjoog FM.

Mar uu ka hadlayay go’aanada Baarlamaanka soo saaro ayuu sheegay in la iska indha tiray go’aankii  Baarlamaanku ka gaaray baaralamaanka Jubba, oo xildhibaano ka mida Baarlamaanka Feddraalka ay u sacab tumayaan waxa halkaas ka socda, wuxuu kaloo soo qaday arrinta Shabeelaha Hoose iyo dhibaatooyinka ka taagan oo cid ka hadleysa aanay jirin iyo arrimo kale isagoo sheegay inay u soo joogeen Baarlamaan la xiray oo shaqadii laga joojiyay.

DHAGEYSO WAREYSIGA XILDHIBAAN DALXA

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON