Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa si kulul uga hadlay war ay ka baahisay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA, isagoo sheegay inay been iyo dayaacad ka faafisay ilaaladiisa.
SONNA ayaa shalay qortay war ay ka soo xigtay taliyaha Booliska Gobolka Banaaadir, kaasoo sheegay in ilaalo mas’uul la qabtay kadib markii ay rasaas ku fureen dad shacab ah.
Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay inaysan jirin ilaaladiisa xarig loo geystay, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay shila ka dhacay agagaarka Dekadda Muqdisho oo ilaaladiisa ay ku lug yeelatay xilli aanu isaga la socon.
Dhageyso Xildhibaan Dalxa
Goobjooge.com