Monday, June 23, 2025

Xildhibaan Dalxa oo weeraray Maamul Goboleedyada, lana taliyay Dowladda Federaalka

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ay aa si kulul uga hadlay isbarbar yaaca ka  dhex taagan dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Wuxuu ka digay in maamul goboleedyada ay la sinmeen dowladii Federaalka ayna lasoo baxeen awood la mida tan dowladda dhexe, taasoo saameyn ku yeelan karta jiritaanka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

“Federaalka ujeedkii laga lahaa wax ka duwam ayuu ku socdaa..,  maanta awoodii dowladda dhexe iyo tii maamul goboleedyada waa siman yihiin.. ” ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa oo si cad u sheegay in haddii maamul goboleed xiriir la yeelan karo ama u jari karo dowlad kale uu la mid noqonayo dowladda Federaalka.

Xildhibaan Dalxa ayaa ugu yeeray dowladda Federaalka inay si cad uga hadasho dowladdaha fara gelinta ku haya ee ku xadgudbaya qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya ee aan ka ganban.

“Waa in dowladda Federaalka ay ka hadashaa dowladaha xadgudubka ku sameynaya Qaranimada iyo Madax bannaanida oo ay caalamka tusto dowladaha ku tumanaya shuruucda dalkeeda, ma aha inay xishooto” Xildhibaan Dhalxa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON