Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa si weyn u weerarray wasiirada xukuumadda Soomaaliya ka tirsan ee ka hadlay weerarkii Bariire.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku faahfaahiyay wixii ka dhacay Bariire iyo kulan ay xalay saqdii dhexe la qaateen Ra’iisal wasaare Kheyre, isagoo ku baaqay in wasiirada shahaadatu- zuurka iyo marin habaabinta umadda shaqada ka dhigtay xilalka laga qaado.
HOOS KA AKHRI QORAALKA XILDHIBAAN FIQI
Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi Raajicuun:
Waxaan ka tacsiyaynayaa dhacdadii xanuunka badnayd ee maanta ka dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose, taasoo lagu laayey dad rayid ah oo beeralay ah & caruurtooda, kuwaasoo ay ku jireen caruur yaryar ah oo da’dooda la iigu sheegay 8, 9 iyo 10 sano jir iyo dad waayeel ah oo 70-sano ka weyn, kuwaasoo caaway maydkoodu ku baryayo qaboojiyaasha magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi
Waxaa wax laga xumaado ah in wasiiro xukuumadda ka tirsan ay si aanmas’uuliyadi ku jirin uga hadleen dhacdadaan ayagoo isku dayaya in ay marin habaabiyaan umadda, kuwaasoo ku hor ceeboobay shacabka Soomaaliyeed ka dib markii ay dadkaas rayidka ah ku sheegeen Alshabaab la laayey, ayagoo sidii dad aan miyir qabin waraaqo is-burinaya iyo hadalo kala jeeda soo saaray muddo kooban gudaheed, taasoo shakki galinaysa mas’uuliyadda ay wasiiraddaasi sheeganayaan iyo kalsoonida lagu qabi karo hadaladooda wixii hadda ka danbeeya, waqti ay dawladda maraykanku jiritaanka arintaas war ka soo saartay, joornaalada ugu waaweyn maraykankana ay qirteen in dad rayid ah la laayey.
Ma jirto hawlgallo kala duwan oo maanta ka dhacay Bariire, waxaa dhacay oo kaliya hal hawlgal oo ah midka dadka rayidka lagu laayey AUN, warka wasiir Yariisow uu ku nasaqay kiisii horena waa been-abuur aan waxba ka jirin.
Waxaa soo dhamaaday shir xildhibaanada, odoyaasha dhaqanka, qaar ka tirsan wasiirada ka soo jeeda dadkaas la laayey iyo Raysulwasaaraha iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka goor dhow ugu soo dhamaadey, kaasoo la isku raacay in war degdeg ah xukuumaddu ay ka soo saarto dhacdadii dadka shacabka ah lagu laayey, isla markaana lala xisaabtamo ciddii mas’uuliyadeeda yeelata, sidoo kalena la saaro guddi baaritaan waafi ah arrintaas ka soo sameeya, si weyn ayaana Raysulwasaaraha loogu mahadceliyey dadaalkiisa iyo mawqifka uu arintaan ka qaatay.
Hadaba, waxaan aaminsanahay in ciddii dambigaasi ku caddaado sharciga la horkeeno, wasiirada shahaadatu zuurka iyo marin habaabinta umadda shaqada ka dhigtayna ayagana umadda laga hor-wareejiyo.
This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. AcceptRead More
Privacy & Cookies Policy
Privacy Overview
This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.