Monday, July 14, 2025

Xildhibaan Gurxan oo Caawa ku geeriyooday Muqdisho iyo madaxda dowladda oo tacsi u diray

Xildlhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa caawa u geeriyooday dhaawac ay kooxo hubeysan maanta ugu geysteen degmada Xamar-weyne ee Muqdsiho, isagoo ku jiray isbitaalka Daarushifaa ee magaalada Muqdisho oo dhaqaatiirty kula tacaalayeen xaaladiisa caafimaad.

Waxaa warkan xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye]. Dhaawaca xildhibbaanka ayaa ahaa mid culus inkastoo uu hadli karay haddana waxaa rasaas ilaa lix xabadood ah ay ka haleeshay meelo kala duwan, waxaana ugu darneyd mid ka haleeshay caloosha.

Waxa geerida xildhibaanka tacsi u diray madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo madax fara badan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Waa xildhibaankii Lixaad ee sanadkan gudihiisa lagu dilo magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON