Xildhilbaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayow oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa ka badbaaday fal lagu doonayay in lagu khaarijiyo.
Xildhibankan ayaa la sheehay inay weerar ay ku qaadeen koox hubeysan oo watay laba Mooto oo bajaaj ah xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla degmada Hodan Ee Gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen dadka Degaanka.
Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Koox Hubeysan oo watay Mootooyin Bajaaj ay Bam gacmeed ku tuureen Guriga Xildhibaanka, kadibna ay ka baxsadeen goobta.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray in Xildhibaan Malaaq Ibraahim Aadan Dhaayoow aysan waxba ka soo gaarin weerarka lagu qaaday gurigiisa, laakiin waxaa ku dhaawacmay askar ilaalo u ahayd Xildhibaanka oo gaareysa 4 askari.
Dhaawaca askarta ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud oo firirkii Bambada ay gaartay. Xildhibaan Dhaayow ayaa markii weerarka lagu qaaday ku sugnaa hoygiisa oo ku dhow Xarunta Xarunta Degmada Hodan.
Goobjooge.com