Friday, June 27, 2025

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa galabta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Korneyl Ruush) ayaa u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha kaga soo booday. Xildibaan Axmed Mayow Cabdulle (Korneyl Ruush) waxaa uu sidoo kale kamid ahaa xildhibaanada golaha Shacabka ee laga soo doortay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa ka mid ahaa guddiga dastuurka ee golaha Shacabka Soomaaliya, isagoo ahaa xildhibannada ugu khibradda badan ee Baarlamaanka ku jira.

Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho isna ku geeriyooday maanta Kheyre Maxamed Axmed oo kamid ahaa xildhibaanada baarlamanaka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh  iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray xildhibaannada ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON