Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Soomalaiyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka geeriyooday oo lagu magacaabo Siciid Xasan Geeddi ayaa kasoo jeeda Gobolka Awdal, waxaana la sheegay inuu maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, isagoo u geeriyooday xanuun kasoo wajahay dhinaca Wadnaha.
Allaha u naxariistee xildhibaan Siciid Xasan Geeddi ayaa Baarlamaanka ka tirsanaa muddo 10 sano ah, waana xildhibaankii ugu horeeyay ee geeriyooda kadib markii la dhaariyay.
Xildhibaan kale ayaa ku geeriyooday magaalada Garowe iyadoo aan la dhaarin, kaasoo lagu bedeley walaalkiis.
Goobjooge.com