Thursday, April 25, 2024

Xildhibaan keligiis tartamay oo lagu doortay magaalada Muqdisho (Guddiga Doorashada oo qabtay Doorasho yaab leh -Sawirro)

Guddiga Doorashada Madaxa bannaan ayaa galabta xarunta Golaha  Shacabka ee Magaalada Muqdisho ku qabtay Doorashada kursi ka bannaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya oo musharax kaliya uu tartamayo.

Kursigan oo uu ka geeriyooday Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi, isla markaana hore loogu hakiyey muran iyo gacan-ka-hadal dhex maray  ergada wax dooraneysay ayaa maanta waxaa qaadacay musharax ka mida labadii musharax ee ku tartameysay kaasoo Guddiga ay goobta ka sheegeen, laguna magaaabo C/raxmaan Axmed Ceynaan.

Musharax Ceynaan ayaa saxaafadda u sheegay inuu ka baxay doorashada oo uu sheegay inay hareysay musuq iyo ergo aan sharci ahayn, laakiin waxaa la yaab lahayd in Guddiga Doorashooyinka ee ay hoggaamiso Xaliimo Maxamed Ismaaciil ay ku adkeysteen in doorashada ay socoto iyadoo hal musharax kaliya loo codeynayo.

Ad

Doorashada kadib ayaa Guddiga doorashadu uu shaaciyay natiijo lagu sheegay in 32 Cod uu ku soo baxay Fataax Siciid Xasan Geeddi oo ah wiil uu dhalay Xildhibaankii kursiga ka geeriyooday halka la sheegay in musharaxa qaadacay uu helay 4 Cod uu helay.

Arrintan ayaa muujineysa culeysa ay leedahay doorashada iyo sida Guddiga Doorashooyinka ugu fashilmay inuu doorasho dhexdhexaad ah qabto, kursigii saddexaad ee  tijaabada ahaa.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON