Waxaa goro dhoweyd magaalada Baydhaba lagu soo doortay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib kursi ka bannaanaaday.
Doorashada ka dhacday magaalada Baydhaba ayaa loogu tartamay kuri uu ka geeriyooday ildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullaahi (Dheere), waxaana xilka xildhibaan loogu doortay Cabdullaahi Sheekh Maxamed oo helay 35 Cod.
Waxaa codeysay ergo gaareysa 42, waxaana Guddiga Doorashada ay shaaciyeen natiijada soo socota: Cabdullahi Sheekh Maxamed oo helay 35 cod, Isaaq Khalif Duurey oo helay 4 cod iyo Cabdiqadir Sheekh oo helay 2 cod musharixii afraad Xasan Macalin Ibraahim aanu helin wax cod ah.
Labo musharax oo xilka u tartamayay ayaa saxaafadda u sheegtay in Guddiga Doorashada ay albaabka ka celiyeen. Waxaa la arkayey in xildhibaanka la sheegay in la doortay uu keligiis goobta doorashada ku sugnaa, taasoo shaki kale gelineysa Guddiga Doorashada.