Wednesday, July 2, 2025

Xildhibaan Mahad Salad oo Farriin Culus u diray xildhibannada Beesha Daarood (Akhriso +Shax)

Iyadoo ay taagan tahay xaalad ka dhalatay dooda xildhibannada Baarlamaanka ka yeesheen metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayaa waxaa farriin culus diray Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Farriinta xildhibaanka oo kusoo beegantay saacado kooban ka hor kulanka Baarlamaanka ee la filayo in cod loogu qaado mooshin Gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka Sare 13 xubnood ayaa caddeyn u ah in xildhibaannada kasoo jeeda hal beel ay si weyn uga horjeedaan metalaadda G/Banaadir.

Kuraasta Aqalka Sare sida loo kala haysto: Daarood 17, Dir 14, Hawiye 13, Digil & Mirifle 8, Beesha Shanaad 2. Adigoo ka sedbursaday Soomaali oo idil saami uma oggoli Banaadir adigana kuuma socon doonto!..” ayuu firi Xildhibaan Mahad Salaad oo farriin cad oo qaawan u diray beesha tirada ugu badan ku leh Aqalka Sare.

Aqalka Sare ayaa loo asteeyay in qaab gobol lagu soo xulo xubnihiisa oo ah 18 Gobol oo Soomaaliya in gobol waliba uu ku yeesho 3 xubbood (54), laakiin waxaa sanadkii 2016 lagu qeybsaday qaab maamul Goboleed, taasoo keenay in arrintiisa ay soo laba kacleyso iyadoo hadda ay xaaladu isu bedeshay beelo u doodaya metalaadda Gobolka Banaadir iyo qaar diidan.

F.G: sida shaxada hoose muujineyso Beesha Shanaad waxay Aqalka Sare ku leedahay HAL xubin oo kaliya oo kasoo gashay Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON