Wednesday, July 16, 2025

Xildhibaan & Mas’uuliyiin laga soo badbaadiyay Hotelka Ambassador ee Muqdisho

Wasiirka Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Hotelka Ambassador laga soo badbaadiyay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo hay’adaha dowladda ka mida, kadib howlgal ay ku galeen hotelka ciidamada Gaashaan iyo Gorgor ee ka mida kuwa Nabadsugidda.

Wasiirka ayaa sheegay in faahfaahin dheeraad ah ay la wadaagi doonaan bulshada, waxayna xaaladu weli u muuqataa mid qasan.

NISA ayaa sheegtay in weli ay qatar jirto, waxayna ugu baaqday dadka inay ka fogaadaan Hotelke ayna feejignaadaan, iyadoo sheegtay inta laga hubinayo in dhammaan dableyda la dilay in xaaladu halis tahay.

Howlgalka hotelka oo weli socda muddo ku dhow 3 saacadood ayaa gebi ahaan la xiray wadooyinka gala hotelka, waxaana hotelka isugu tegay qeybaha ciidamada gaarka ah ee Gorgor, Gaashaan iyo Waran.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON