Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ahaa labadii xildhibaan ee martida ku ahaa barnaamijkii dood-wadaag ee sababtiisa loo xiray telefishanka Universal iyo maamulkiisa oo uu ka mid yahay weriyihii barnaamijkaasi waday Cawil Daahir Salaad iyo madaxa qeybta Bariga Afrika ee Telefishanka C/llaahi Xersi ayaa ka hadlay arrintan waxayna saxaafadda u sheegeen inay nasiib darro ah xariga lagula kacay telefishanka iyo shaqaalihiisa.
Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi waxa uu sharci darro ku tilmaamay xarigiisa isagoo dalbaday in degdeg loo sii daayo, halka Xildhivaan
Labadan xubnood ayaa xalay lagu xiray xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir, kadib markii looga yeeray, waxaana sababaha loo xiray lagu tilmaamay dood ka baxday Telefishinka Universal labo cisho ka hor oo looga hadlayay xaalada Soomaaliya, isla markaana ay ka qeyb qaateen barnaamijka kulanka dood wadaag Xildhibaanada kala ah Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Xaashi Cabdulaahi.
DHAGEYSO LABADA XILDHIBAAN EE SABABAY XARIGA UNIVERSAL TV
Goobjooge.com