Friday, July 4, 2025

Xildhibaan saaxiib la ahaa Xasan Sheekh oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda NISA

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa Taliyaha Hay’adda NISA ee xasaasiga ah u magacaabay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida saaxiibadiisa ugu dhow, kana tirsan xisbigiisa.

Magacaabidan oo u baahneyd soo jeedinta Golaha Wasiirada ayuu Xasan Sheekh soo mariyey xukuumadda Xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ay noqotay arrin aan hore loo arag oo ku cusub magacaabidda xilalka sare.

“Waxaan u mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee uu hogaamiyo RW Mohamed H. Roble oo maanta ansixiyay Agaasimaha Guud ee Hay’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka kadib marki aan horgeeyay Golaha” ayuu yiri Wasiirka Amniga xukuumadda xilgaarsiinta C/llaahi Maxamed Nuur.

Mahad Salaad ayaan looga barran arrimo sirdoon, wuxuuna hore u soo noqday wasiir ku xigeen, iyadoo uu ahaa siyaasi shacab ah., taasoo ka dhigan inuu Xasan Sheekh qaaday jidkii Farmaajo oo Hay’adda NISA u gacan geliyey saaxiibkiis Fahad Yaasiin.

Magacaabiddan ayaa caddeyn u ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanu waxba iska bedelin kooxeysigii uu dalka kusoo maamulay 202 -2016.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON