Xildhibaan S/Gaas Shariif Sheekhuna Maye oo ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa fal naxdin leh ku sheegay dilka Wasiir Cabbaas Siraaji, isaga oo uga tacsiyadeeyay qoyska, ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed.
Xildhibaan Shariif oo hore u noqday Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa dilka Marxuum Cabbaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo ahaa Xubin baarlamaani ah, sidoo kalana ahaa Wasiirka Howlaha guud iyo Dib u dhiska oo u geeriyooday xalay rasaas la huwiyay gaarigiisa ku sheegay fal ugub ah oo aan hore looga baran saaxadda Soomaaliya.
Waxa uu ku tilmaamay Wasiirka la qaarijiyay iftiin iyo xiddig ka soo banbaxay dhalinta Soomaaliyeed, balse qarsoomay, naftiisana u hibeeyay dalkiisa iyo dadkiisa si uu ugu adeego, waxaana uu yiri “ waxaa inaga baxay halyey iyo shakhsi hal abuur leh, dalkiisa jecel, kuna weyneyd Soomaalinimada, hamigiisu ahaa u adeegidda shacabka dhiban”.
Shariif Sheekhuna ayaa Allah uga baryay in Marxuum Cabbaas Siraaji hoygiisa ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.
Xidhibaan S/Gaas Shariif Sheekhuna ayaa xusay inuu ku kalsoonyahay in hey’adaha amniga iyo garsoorka ay baaritaan qotodheer ku sameyn doonaan falkaasi dilka ah iyo habka uu u dhacay.