Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadlay qaraxyadii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Sabtidii 29-ka Oktoobar 2022, isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim (Macalimuu) ayaa dalbaday in isla xisaabtan uu jiraa, isla markaana wuxu farta ku fiiqay saraakiisha Amniga, isagoo aan cid gaara magacaabin, kuna eedeeyay inay gudbiyaan Qaraxyada.
“Saraakiisha Amniga ee Qaraxyada gudbiya, Daaraha waaweyn dhista, waxa ay ka xun yihiin Khawaarijta laayaanka ah. Shacabka Baraha koontorool dhib bey ku soo gudbaan,qaraxyadana si fudud” ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu oo qoraal ku iftiimiyey cidda leh dayaca amni ee keenay Qaraxyadii waaweynaa ee Muqdisho ka dhaca 5 sano kadib.
Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan xaaladda amniga caasimadda Muqdisho iyo sida Hay’adaha Amniga ugu fashilmeen ka hortagga qaraxyada, iyadoo xildhibaannadii ugu horeeyay ay hadda bilaabeen inay su’aalo ka keenaan arrintan.
