Tuesday, July 15, 2025

Xildhibaan Xoosh: “Madaxweyne Xasan Sheekh Mooshin lagama keeni karo, sababtoo ah…” (Dhageyso Raadraac & fadeexad la yaab leh)

Waxaan halkan idinkugu haynaa Barnaamijkii Faaqidaadda  todobaadka ee Laanta Af-soomaaliga  VOA-da ka baxay 16-kii November 2013. Barnaamijkaasi oo looga dooday khilaafkii markaas u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxaana ka qeyb galay:

  1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil

Waxaa xiiso leh in Barnaamijkaasi  uu daadihinayay Daauud Aweys Jaamac  oo hadda ah afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya. C/raxmaan Xoosh ka sokow sida uu madaxweyne Xasan Sheekh markaas u adeecsan yahay iyo ololaha uu ugu jiro ridista Ra’iisal wasaare Saacid, wuxuu si cad ugu dhawaaqayaa inaan mooshin laga keeni karin madaxweynaha:

“Madaxweyne Xasan Sheekh haddii la yiraahdo waan ka hortageynaa, maba laga hortegi karo, sababtoo ah dastuurku waxaa ku qoransaddex dalool laba in la helo, laakiin in la aado xitaa mooshin maba la keeni karo, sababtoo ah waa inay jirtaa Maxkamadii Dastuuriga ahayd, mana jirto, Ra’iisal wasaaraha ayaana mas’uul ka ah oo shaqadiisii gabay sanad ayuu joogay mana dhisin…”. ayuu yiri C/raxmaan Xoosh oo si weyn u difaacayay madaxwynaha.

Xildhibaan Xoosh-ka Maanta ma aha kii hore hadda wuxuu ku doodayaa mooshin uu ka sido madaxweynihiisii shalay dusha u saarnaa isagoo weliba waxa uu ku doodayo ay ahay sharci, inuu yahay sharci yaqaan loo heysto balse arrimaha oo dhan isu bedeleen rabitaan shaqsi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh haddii la yiraahdo waan ka hortageynaa, maba laga hortegi karo, sababtoo ah dastuurku waxaa ku qoran saddex dalool laba in la helo, laakiin in la aado xitaa mooshin maba la keeni karo, sababtoo ah waa inay jirtaa Maxkamadii Dastuuriga ahayd, mana jirto, Ra’iisal wasaaraha ayaana mas’uul ka ah oo shaqadiisii gabay sanad ayuu joogay mana dhisin…”. XILDHIBAAN C/RAXMAAN XOOSH

Hadda waxaad dhageysaneysaa Mowqifka Xildhibaan Xoosh oo qura 

 

Dooda oo aad u xiiso badan fadlan ka dhageyso VOA ama halkan riix

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON