Thursday, June 26, 2025

Xildhibaan Xoosh oo dacwad anshax marin lagu soo oogayo (Dhageyso cod)

Gudddiga Anshaxa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo gudbinayo dacwad ka dhan ah Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ugu cadcad xildhibaanada wada mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya kadib markii wareysi uu bixiyay uu aflagaadeeyay Gudoonka Baarlamaamka iyo guddoomiyahooda Prod. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Cabdi-Xoosh-Jibriil

Wareysiga Xildhibaan Xoosh ayaa waxaa ka dhex muuqday inuu aad u careysnaa wuxuuna guddoonka Baarlamaanka ku sheegay inaysan iimaan lahayn iyo dhibaatada wadanka ka jirta inay mas’uul ka yihiin, wuxuu kaloo ku eedeeyay Guddoomiye Jawaari inuu ku mashquulsan yahay waqti loo kordhiyo Baarlamaanka iyo urur uu sheegay inuu NGO yahay inuu dhiso iyo arrimo kale.

Waxaa jira dadaal ay wadaan xildhibaano saaxiibo la ah Xildhibaan Xoosh oo doonaya in guddoonku iska cafiyo xildhibaanka oo aanay dacwad ka gudbin isaguna uu raali gelin bixiyo.

Dhageyso codka aan idinkaga soo qaadnay wareysiga Xildhibaan Xoosh ee ku saabsan eedeymaha uu u jeediyay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddoomiye Jawaari

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON