Tuesday, July 15, 2025

Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo magacaabay Wasiiru dowle

Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta loo dhaariyay xilka Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya kadib uu magacaabay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Marwo Sahra Cabdulqaadir Cabdiraxmaan ayaa loo dhaariyey xilkaasi, waxaana xaflada dhaarinta ka qeyb galay munaasabadda Guddoomiyeha Maxkamadda sare ee dalka, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya ahna ku simaha guddoomiyaha golaha shacabka, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan barlamanka Feederaalka .

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka  Abuukate  Caydiid Cabdulahi Ilka-Xanaf ayaa  dhaariyey  Wasiiru-dowlaha Wasaaradda biyaha iyo korontada ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya isla  markaana uu aqbalay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ku-simaha guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ahna  Guddoomiye ku xigeenka labaad barlamanaka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Marwo Sahra Cabduqaadir ugu hambalyeeyey xilka cusub ee loo dhiibay kuna bogaadiyay inay gudato waajibaadka loo idmaday.

Sahra  Cabdulqaadir Cabdirahmaan oo loo dhaariyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda  Biyaha iyo Tamarta ayaa ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,  waxa ayna ka mid ahayd ilaa dhismihii dowladihii KMG ahayd ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, iyadoo  xilal kale duwan ka soo qabatay Xukumadihii dalka soo maray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON