
Xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdulle oo ka mida xildhibaannada Soomaaliyeed ayaa hadal la yaab ka jeedisay maanta kulankii Baarlamaanka oo ka socday xaruntooda Muqdisho, ayna qaar ka mida xildhibaanadda ku soo dareen dood ku saabsan hadalkii kasoo yeeray ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo ku saabsanaa inay laaluush la siiyay qaar kamida xildhibaannada si mooshin looga keeno xukuumadda.
Xildhibaan Sareedo ayaa sheegay inay qaadanayaan laaluush oo aanay jirin cid ay ka baqayaan, isla markaana aan loo diidi karin, taasoo la yaab ku riday xildhibaanadii madasha shirka fadhiyay, waxaana sacab weyn ugu dhuftay qaar ka mida xildhibaanadii ku lug lahaa laaluushka.
[blockquote style=”1″]”Waan qaadaneynaa laaluushka, cid aan ka baqeyno ma jirto, cid noo diidi kartana ma jirto, maxaa loo cabsanaa….”[/blockquote]
Ereyada kasoo yeeray xildhibaannad Sareedo ayaa ah kuwo laga xumaado oo qaawineysa xaalada qaar kamida xildhibaannada, sidoo kale Xildhibaannadan waxay Soomaaliya u meteshaa Baarlamaanka Afrika, waxayna degan tahay magaalada Kambala ee dalka Uganda.
Shirka baarlamaanka ayaa maanta dibadda looga saaray saxaafadda laakiin Goobjooge.com ayaa ilo gudaha Barlamaanka ah ka heshay warkan sida caadada u ahayd, waxayna bulshada Soomaaliyeed u soo gudbineysaa xaaladda madaxdooda iyo kuwa metela ku sugan yihiin.
Baarlamaanka ayaa hore ugu kala qeybsamay khilaafka madaxda dowladda ka dhaxeeya, waxayna siyaabo kala duwan laba garab oo ka mida xildhibaannada ugu kala shireen Muqdisho iyagoo iska soo horjeedo, taasoo muujineysa heerka uu gaaray khilaafka hay’adaha dowladda Federaalka.
Goobjooge.com
London Office
OGEYSIIS: FADLAN DHOWR XUQUUQDA WEBKA, HADDII AAD DOONEYSO INAAD WARARKA GOOBJOOGE.COM QAADATO, OGOLAASHO WEYDIISO MAAMULKIISA AMA KU XUS XIGASHADA SIDA SHARCIGA AH
[ad name=”HTML”]